Maamulka Hirshabeelle oo DF ka codsaday ka qeyb qaadashada xal u helida colaadda ka taagan Shabeelaha dhexe

Date:

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoorre), ayaa sheegay in colaadda ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay mid u baahan in wax laga qabto oo aan indhaha laga qabsan.

Wasiirka, waxuu sheegay in ay horay ula kulmeen dhinacyada ku dagaalamay degaannada hoostaga Cadalle iyo Raaga-Ceelle, isla markaana ay ka codsadeen inay dhaqan geliyaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoorre), ayaa Xukuumadda Fedaraal Soomaaliya, ka codsaday inay ka qeyb qaadato deminta colaadahan kasoo cusboonaaday degaanno udhexeeya Degmooyinka Cadale iyo Raagaceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...