Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Sida la sheegay Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas ku kudilay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeeysata Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Allaha u Naxariistee Xasan Axmed cabdulle, oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ka shaqeeysta ayaa sida la sheegay xilliga la dilayay ku sugnaa Dukaan kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee Magaalada Cape Town.

Kooxdan Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa dilka ka dib dhac u geystay dukaankii uu ka Shaqeeynayay, iyaga oo qaatay agabkii iyo lacag badan oo taallay Dukaanka.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayaan Kooxdii ka dambeeysay dilka wallow dhowr jeer sidaan oo kale loo dilay Dhallinyaro Soomaaliyeed balse aysan waxba ka qaban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...