Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Date:

Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023.

Bisha       Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada

January     $423,950.00.                $036,500

February   $375,530.00.                 $071,160

March         $268,840.                    $78,770

April.           $231,460.                   $219,290

May              $361,470.                   $386,060

June              $480,550.                  $340,730

 

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...