Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar Beniโaadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose.
Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado beniโaadannimo.
Deeqdan oo Hayโadda SoDMA maanta ka daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Heyโadda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahiย Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow.
Madaxa Qeybta Caafimaadka Hayโadda SoDMA oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay gargaarkan ayaa sheegay in Hayโaddu mar waliba ay ka goโantahay u gurmashada dadka dhibaataysan.
Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hayโadda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay.
