Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin, kaas oo labada maalin ee uu socdo looga doodi doono sida uga wanaagsan ee looga hortagi karo fariimo been abuurka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shirweynahan uu qeybta ka yahay dadaallada Xukuumadda ku dooneyso sidii loo xakamayn lahaa wararka been abuurka ah, kuwaas oo bulshada dhib wayn ku haya, isagoo tilmaamay in dadaal xoogan la galin doono sidii looga hortagi lahaa, loona xakamayn lahaa dhaqanka xun ee faahfaahinta beenta ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha argagixisada oo had iyo jeer fariimo been abuur ah sameeyo kana fog xaqiida laga fogaado marin-habaabintood, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay xirfadleyda Warbaahinta in ay xaqiijiyaan wararka inta aysan baahin oo dhinacyada uu quseeyo la xiriiraan si loo xakameeyo faahfaahinta wararka been abuurka ah, isagoo tilmaamay in dhanka dowladda ay qaadeyso talaabooyin xooggan oo looga hortagayo hanaan lagu xakameynayo been abuurkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in wararka been abuurka ah ay dalka ku hayaan dhibaato xooggan, isagoo tilmaamay in Warbaahinta Qaranka ay door wanaagsan ka qaadatay ka hortagga fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku faahfaahiyaan baraha bulshada.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin xooggan ka qaataan sidii looga hortagi lahaa fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku dhax faafiyaan dadka Soomaaliyeed.

Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Bahda Warbaahinta iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...