Shirka Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta

Date:

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle oo diiradda lagu saaray wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Kooxda khawaarijta.

Shirka Golaha wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta ee shabaab oo dhowaan bilaaban doono, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiiskii Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho lagu soo gaaray iyo Dakhli kordhinta horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu magaalada Muqdisho uga qeybgalay 24-27 bishii May, isagoo sheegay in muhiimada ugu wayn ee shirkaas uu ahaa dardargalinta howlgalada lagu baacsanayo khawaarijta iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna xusay in dood dheer ay ka yeesheen hanaanka doorashooyinka dalka ay ugu dambeyn isla qaatay in la mideeyo doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo u dhici doonta doorasho qof iyo cod ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah

  1. Moqokori
  2. Masaajid Cali Gaduud
  3. Raaga Ceelle
  4. Buurweyn
  5. Buq-aqable
  6. Xawaadley

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay degmooyinkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...