Shirka Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta

Date:

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle oo diiradda lagu saaray wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Kooxda khawaarijta.

Shirka Golaha wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta ee shabaab oo dhowaan bilaaban doono, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiiskii Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho lagu soo gaaray iyo Dakhli kordhinta horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu magaalada Muqdisho uga qeybgalay 24-27 bishii May, isagoo sheegay in muhiimada ugu wayn ee shirkaas uu ahaa dardargalinta howlgalada lagu baacsanayo khawaarijta iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna xusay in dood dheer ay ka yeesheen hanaanka doorashooyinka dalka ay ugu dambeyn isla qaatay in la mideeyo doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo u dhici doonta doorasho qof iyo cod ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah

  1. Moqokori
  2. Masaajid Cali Gaduud
  3. Raaga Ceelle
  4. Buurweyn
  5. Buq-aqable
  6. Xawaadley

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay degmooyinkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...