Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin)

Date:

18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen in ay ku gumaadaan Dalka iyo dadka, balse waxaa gacanta ku dhigay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

” Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Dekada Muqdisho ku qabatay allaabo ay ciidamada isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab, sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadan ciidan ee loogu soo dhex qariyay Badeeco ganacsi ahaan Dalka loo soo gelinayay, ilaa iyo wadanka laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba, NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq-dhaqaaqa iyo xiriirka Shabakadda ballaaran oo kala joogay dibadda, Muqdisho iyo gobollada,kuwaas oo ka wada shaqeynayay soo iibinta, soo rarista soo dejinta Dekada ila gaarsiinta gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri wasiirka ku-xigeenka amniga gudaha Soomaaliya.

Labo maalin ka dib, 20-kii May 2023, isla sanadkan, 11-kii barqanimo kunteernarkii labaad ayaa galay gacanta NISA, waa qalab ku fadhiyay qiimo sare, bale waa guuldaro kale oo Al-shabaab ay la kulmayaan maalmo is-xig-xiga oo xanuun badan.

” Maanta halkan waxaa yaallo kunteenarkii labaad ee la qabtay, runtiina howlgal wali socda oo aad iyo aad u ballaaran weeye, waxaa runtii hambalyo, bogaadin iyo duco mudan ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka NISA oo shaqadan aadka iyo aadka u weyn qabtay, dadka Soomaaliyeedna ka badbaadiyay dhagarta weyn ee Khawaarijta soo maleegtay, sidoo kalena, ku guuleystya in wixii ugu weynaa ee Khawaarijtu ku faani jirtay ee ahayd inaan xogtooda la heli karin beeniyay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Al-caddaala.

Isla labaatankii May, kumaandooska Gor Gor ayaa gacanta ku soo dhigay afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta, halka Mahad Caga-duub oo ahaa madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa Sakawaadka deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay ka dib markii uu isku dayay inuu orod kaga baxsado Kumaandooska Gor Gor.

Kooxdan ka tirsan argagixisada naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa u yimid deegaannadaas in lacago baad ah ka qaadaan, balse dadka deegaanka oo la soo xiriiray ciidanka xoogga Dalka ayaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah Khawaarijta, halka horjooge Mahad Caga-duub uu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka, balse ugu yaraan markii uu 3km ordayay ayuu istaagay wadnaha, sidaas meesha ugu quur baxay.

Mahad oo ahaa madaxii Sakawaadka deegaannada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax iyo Budbud ayaa hadda wax Sakawaad dambe ah ka uruurin doonin shacabka  dhammaan deegaannadaas.

Haatan, waxaa xiran oo xukun sugayaal ah  khwaarijta kala ah Cantoob Xiise waa xubin ka tirsan Khawaarijta una qaabilsanaa muddo afar sano Maaliyadda,Jaajuusnimada khaarijinta shacabka Muslimka ah, Yaasiin Cabdulle Cadde asna waa xubin ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna muddo 7-sano ah ka tirsanaa kuwa qaada Badda , Siciid Naxar Maxamuud waa xubin ka tirsan khawaarijta wuxuu la shaqeynayay muddo 2-sano ah, kaas oo u qaabilsanaa dabagalka iyo gudbinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhammaan hadda waa kuwo xiran oo xukun sugayaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...