Dagaal khasaare xoog leh uu ka dhashay oo Maleeshiyaad Khawaarijta ku dhexmaray gobollada Jubbooyinka

Date:

Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta ka wada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddexdii cisho ee ugu dambeeyay waxa uu ka socday dhulka howdka ah ee gobollada Jubbooyinka.

Dagaalkan ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Yaaq Shabeel oo u dhaxeeya deegaannada Kaam-jaroon iyo Beerxaani, wuxuuna dagaalka oo geystay Khasaaro culus oo dhinacyada dagaallamayay soo gaaray u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka wada tirsan Khaawarijta.

Sida xogta aan ku helnay, dagaalka ayaa ka bilowday ka dib, horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo lagu magacaabo Ismaaciil Boorow uu ka gadooday,islamarkaana ka soo baxsaday kooxda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, xilli uu howdka u sii socday oo argagixisadu dhexda u galeen, halkaas oo uu dagaal kulul ku dhexmaray.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaalka saddexda cisho ee la soo dhaafay soconayay, sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 20-dhagar qabe, kuwaas oo daryeel caafimaaddaro ku haysato dhulka howdka ah.

10-ka ruux ee geeriyooday oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa la kala saftay horjoogahan lagu magacaabo Ismaaciil Boorow iyo horjooge kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Ismaaciil Boorow oo abtirsi ahaan ka soo jeedo degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa la aamisan yahay inuu hasto maleeshiyaad xooggan oo u badan kuwo ku heyb ah iyo kuwo fikir ahaan isaga taageersan ,islamarkaana doonaya in ay kooxda Al-shabaab ka soo baxaan noloshooda ay u beddelaan.

Al-shabaab oo diidan ayaa doonaya in ay cadaadiyaan horjooge Ismaaciil Boorow iyo maleeshiyaad kale ee la socda. Wararku waxay sheegayaan in horjoogahan uu la baxsaday maleeshiyaad kuwaa soo hadda joogo deegaanka Kaam-jaroon, halkaas oo ay ku dhuumaleysanayaan, halka maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijta oo doonaya in ay khaarijiyaan horjoogahan ay ka soo baxeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Maleeshiyaadkan ka soo baxay degmada Jilib waxay si gaar ah fikir ahaan u hoostagaan horjooge Mahad Karataay. Culeyska dagaal ee Al-shabaab ka soo fuulay Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa ku qasbaya in ay kala firxadaan oo ay ku dagaallamaan dhulalka howdka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Magaalada Dhuusamareeb oo laga xusay Maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin...

Degmada Shibis oo ku guuleysatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka G. Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Dowladda iyo Shacabka Jabuuti oo u dabaal-deggay maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka juun

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray dowladda iyo Shacabka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...