Xildhibaanno kormeeray xaafadaha degmada Galcad ee G/Galgaduud. {SAWIRRO}

Date:

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad, halkaas oo ay xog wareysi kula yeesheen Shacabka Magaalada oo in muddo ah dhibbane u ahaa Khawaarijta arxanka daran.

Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa xildhibaannada iyo saraakiisha u sheegay inay dil, dhac, boob, afduub iyo cabburinba ku hayeen kooxda khawaarijta ah, haatanna ay dareemayaan neecow gobannimo.

Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa dowladda ka codsaday in ay deegaannadooda ka hirgeliso adeegyadii bulshada iyo goobihii cibaadada oo ay cagta mariyeen argagixisadu, taas oo ay horay u ballan qaadday XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...