Howlgaladii ugu dambeeyay iyo deegaano cusub oo Khawaarijta laga saaray {SAWIRRO}

Date:

Ciidanka xooga dalka ayaa cagta mariyay ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay

Taliye Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Khawaarijta ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soonqaad, isagoo farriin culus u diray khawaarijta firxadka ah.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana illaa iyo hadda lagu xoreeyay dhul farabadan, halka dhowaanna deegaanno hor leh laga xoreeyn doono haraadiga Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...