Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Dooddaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale, ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in  Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka...

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka ee dagaalka Khawaarijta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka...