Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia)

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya  ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...