Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, waxaana uu u ballan qaaday in maxkamadda sare ee dalka ay garab istaagi doonto.

โ€œRuntii na waxa aan ku aqaanaa aqoon, waayo-aragnimo, iyo hoggaamin heerkeedu sarreeyo.

Maxkamadda Sare ee Federaalku taageero buuxda ayey la garab taagan tahay si loo xaqiijiyo hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Garsoorka loona hirgeliyo sharciga hab middaysan.โ€

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa 8 -dii bishii April u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Hirshabeelle garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib markii uu kala diray garsoorkii hore ee dowlad goboleedkaa Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale