Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in ay xiriir cusub la yeelato Dowladda Cuba.
Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa tilmaamay in aanay jirin wax diidaya in Soomaaliya ay dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd dowladda Cuba.
Waxa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin sidoo kalena la hergeliyo Soomaali dunida heshiis la ah.
Muqdisho-Somalia