Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad siiyay dhallinyarada ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Dhallinyarada kooxda Khawaarijta ka tirsan ayaa wax faa’iido ah ku qabin u dagaallamida argagixisada, waana kuwo feker ahaan ah maskaxda looga qalday. Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay in ay argagixisada ka ciribtirto dhul ballaaran oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana hadad socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...