Madaxweyne xasan sheekh oo ka tacsiyeey geerida raisal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...