DEG-DEG:-Duufaan xoogan oo waxyeelo ka geysatay dalka Mareykanka

Date:

Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayey  magaalada Illinois ee dalka Mareykanka.

Ku dhawaad ​​260 qof, ayaa ku sugnaa Tiyaatarka Apollo, Belvidere, markii saqafku uu soo dhacay 19:55 wakhtiga maxaliga ah, waaxda dab damiska ee deegaanka, ayaa sidaasi sheegtay.

Madaxa dab damiska Shawn Schadle, ayaa sheegay in shan qof ay ku jiraan xaalad halis ah.

Duufaano xooggan, ayaa Jimcihii ku dhuftay gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, kuwaasoo dilay ugu yaraan saddex qof.

Khasaare baaxad leh, ayaa laga soo sheegay qaybo kamid ah Koonfurta iyo Galbeedka – iyadoo gobollada Arkansas iyo Missouri ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah. Tobanaan kun oo qof, ayay ka tagtay korontadii.

Duufaan weyn ayaa ku rogmatay caasimadda gobolka Arkansas ee Little Rock, baabuur rogantay, saqafyo duulay, iyo geedo ksaoo ruqay dhulka. Ugu yaraan 24 qof, ayaa ku dhaawacantay, sida uu sheegay duqa magaalada.

Barasaabka gobolka, Sarah Huckabee Sanders, ayaa xaqiijisay dhimashada laba qof oo ka dhacday magaalada Wynne, oo qiyaastii 100 mayl (170km) u jirta Little Rock.

In ka badan 40 warbixin oo la xiriira duufaata, ayaa laga sameeyay lix gobol habeenkii Jimcaha, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Duufaanta ee dowladda Mareykanka.

Duulimaadyo dhowr ah oo tagi lahaa garoonka caalamiga ah ee Chicago O’Hare, ayaa dib u dhacay ama la baajiyay, iyadoo rakaabka loo sheegay inay ku hoydaan halka ay joogaan, sababo lagu tilmaamay “cimilada oo aad u xun”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...