DEG-DEG:-Duufaan xoogan oo waxyeelo ka geysatay dalka Mareykanka

Date:

Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayey  magaalada Illinois ee dalka Mareykanka.

Ku dhawaad ​​260 qof, ayaa ku sugnaa Tiyaatarka Apollo, Belvidere, markii saqafku uu soo dhacay 19:55 wakhtiga maxaliga ah, waaxda dab damiska ee deegaanka, ayaa sidaasi sheegtay.

Madaxa dab damiska Shawn Schadle, ayaa sheegay in shan qof ay ku jiraan xaalad halis ah.

Duufaano xooggan, ayaa Jimcihii ku dhuftay gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, kuwaasoo dilay ugu yaraan saddex qof.

Khasaare baaxad leh, ayaa laga soo sheegay qaybo kamid ah Koonfurta iyo Galbeedka – iyadoo gobollada Arkansas iyo Missouri ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah. Tobanaan kun oo qof, ayay ka tagtay korontadii.

Duufaan weyn ayaa ku rogmatay caasimadda gobolka Arkansas ee Little Rock, baabuur rogantay, saqafyo duulay, iyo geedo ksaoo ruqay dhulka. Ugu yaraan 24 qof, ayaa ku dhaawacantay, sida uu sheegay duqa magaalada.

Barasaabka gobolka, Sarah Huckabee Sanders, ayaa xaqiijisay dhimashada laba qof oo ka dhacday magaalada Wynne, oo qiyaastii 100 mayl (170km) u jirta Little Rock.

In ka badan 40 warbixin oo la xiriira duufaata, ayaa laga sameeyay lix gobol habeenkii Jimcaha, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Duufaanta ee dowladda Mareykanka.

Duulimaadyo dhowr ah oo tagi lahaa garoonka caalamiga ah ee Chicago O’Hare, ayaa dib u dhacay ama la baajiyay, iyadoo rakaabka loo sheegay inay ku hoydaan halka ay joogaan, sababo lagu tilmaamay “cimilada oo aad u xun”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...