Xarun dowladeed oo ku taalla Faransiiska oo dab la qabad siiyey

Date:

Xarunta dowladda hoose ee magaalada Bordeaux ee dalka Faransiiska, ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada Faransiiska, ee ka dhanka ah qorshaha lagu kordhinayo da’da hawlgabka.

In ka badan hal milyan oo qof, ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan dalka Faransiiska Khamiistii, iyadoo 119,000 ay ku sugan yihiin magaalada Paris, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda arrimaha gudaha.

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad dibadbax ka dhigayay caasimadda, waxaana la xiray 80 qof, oo kamid ah dadkii banana baxayay.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay sharci kordhinaya da’da hawlgabka, oo laba sano lagu daray, taasoo noqonaysa 64 sano.

Ururada shaqaalaha, ayaa dalbaday in la sameeyo mudaaharaadyo dheeraad ah Talaadada soo socota, taasoo kusoo beegmaysa booqashada boqor Charles III.

Waxaa lagu wadaa in maalintaas uu ku sugnaado magaalada Bordeaux ee koonfur-galbeed, halkaasoo dabku qabsaday albaabka hore ee xarunta dowladda hoose fiidnimadii Khamiista, ka dib maalin mudaaharaad iyo rabshado ah.

Ma cadda cidda ka dambeysay dabkan, oo ay si degdeg ah u damiyeen kooxaha dab damiska.

Xigasho BBC.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...