Xarun dowladeed oo ku taalla Faransiiska oo dab la qabad siiyey

Date:

Xarunta dowladda hoose ee magaalada Bordeaux ee dalka Faransiiska, ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada Faransiiska, ee ka dhanka ah qorshaha lagu kordhinayo da’da hawlgabka.

In ka badan hal milyan oo qof, ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan dalka Faransiiska Khamiistii, iyadoo 119,000 ay ku sugan yihiin magaalada Paris, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda arrimaha gudaha.

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad dibadbax ka dhigayay caasimadda, waxaana la xiray 80 qof, oo kamid ah dadkii banana baxayay.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay sharci kordhinaya da’da hawlgabka, oo laba sano lagu daray, taasoo noqonaysa 64 sano.

Ururada shaqaalaha, ayaa dalbaday in la sameeyo mudaaharaadyo dheeraad ah Talaadada soo socota, taasoo kusoo beegmaysa booqashada boqor Charles III.

Waxaa lagu wadaa in maalintaas uu ku sugnaado magaalada Bordeaux ee koonfur-galbeed, halkaasoo dabku qabsaday albaabka hore ee xarunta dowladda hoose fiidnimadii Khamiista, ka dib maalin mudaaharaad iyo rabshado ah.

Ma cadda cidda ka dambeysay dabkan, oo ay si degdeg ah u damiyeen kooxaha dab damiska.

Xigasho BBC.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo hambalyo u dirtay xubnaha ku guuleystay doorashadii Golaha Deegaanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...