Daadad mar kale ku rogmaday Baardheere oo sababay dhimasho

Date:

Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah.

Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere.

Daadadka ayaa yimid xilli Biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Dhowr qof ayaa horay ugu dhintay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...