Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxayaย Howlgal Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Danabย iyo Nabad sugidda Jubbaland ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu.
Howlgal qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaanada Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose ee Maamulka Jubbaland.
Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab) sida ay Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa.