Wasiirka Warfaafinta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga warbixiyey horumarka dhinacyada siyaasadda, amniga iyo adeegyada bulshada ee ay ku tallaabsatey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Vecchi ayaa xusay in Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana haatan ay dowladdiisa ka shaqeyneyso sidii ay dib uga bilaabi lahayd iskaashigii ballaarnaa ee labada dal ka dhexeyn jiray, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay horumarka iyo dib u soo kabashada ay Soomaaliya sameyneyso.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhina warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee labada dal, iyadoo la filayo in barnaamijyo dhowr ah oo dhinacyadaasi la xiriira ay Soomaaliya iyo Talyaaniga dhowaan isla bilaabi doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo Casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...