Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo cafis u fidiyey tiro maxaabiis ah

Date:

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xiray mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay.

Bayaan ka soo baxay garsoorka Iiraan, ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda Kacaanka, eek u bilowday geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.

Wakaaladda wararka Iiraan oo soo xiganeysa madaxa garsoorka ayaa sheegtay, in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, uu cafis u fidin doono maxabiis badan oo ka mida dadkii la qabqabtay intii ay socdeen mudaharaadadu, iyada oo lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taas oo dhamaan Muslimiinta ay wada sugayaan bilashadeeda.

Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in cafis loo fidiyey maxabiis dhan 22,628, kuwaasi oo u xernaa ka qaybgelka mudaharaadyadii dalkaasi ka dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...