Wasiirka Awqaafta dalka Masar oo tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto

Date:

Wasiirka Awqaafta dalka Masar ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Ujeedka Tababarkan ayaa ah in Warbaahinta dalalka Islaamka ay muujiso dowrkeeda ku aadan horumarinta, arrimaha baniaadanimada, dhaqanka wanaagsan, iyo in bulshada wada nool ay ixtiraam iyo isfaham ay ku wada noolaadaan.

Mudane Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaafka ee dalka Masar oo ka hadlayay furitaanka tababarkan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula taliyay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaadaan  wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.

Wadamada ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar,  Sacuudi Carabiya, Liibiya, Comoros, iyo dalal kale oo kujira Jaamacadda Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...