Wasiirka Awqaafta dalka Masar oo tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto

Date:

Wasiirka Awqaafta dalka Masar ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Ujeedka Tababarkan ayaa ah in Warbaahinta dalalka Islaamka ay muujiso dowrkeeda ku aadan horumarinta, arrimaha baniaadanimada, dhaqanka wanaagsan, iyo in bulshada wada nool ay ixtiraam iyo isfaham ay ku wada noolaadaan.

Mudane Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaafka ee dalka Masar oo ka hadlayay furitaanka tababarkan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula taliyay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaadaan  wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.

Wadamada ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar,  Sacuudi Carabiya, Liibiya, Comoros, iyo dalal kale oo kujira Jaamacadda Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...