Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015

Date:

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hayโ€™addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO.

Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ waxay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.

โ€œFarxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.โ€ Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.

โ€œGoโ€™aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga goโ€™antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.โ€ Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...