Golaha Shacabka BFS oo Maanta leh mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Date:

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1-Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka

2.Dhamaystirka dooda warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada

3-Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta

Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in markii ay ka doodaan Hindise sharaciyedyadasi in meel mariyaan

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...