Madaxweyne Dani oo Bosaaso uga Qeybgalay kulan looga hadlayey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030

Date:

Magaalada Boosaaso waxa xalay lagu soo bandhigey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,Wasiiro , Maamulka Gobolka Bari iyo dadweyne aad u farabadan.

Dhammaan Masuuliyiinta, Hoggaanka dhaqanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeybgalay Kulanka ayaa soo dhoweeyay sida ay Dowladda muhiimad u siinayso dhismaha iyo horumarinta , bilicda iyo nashaqadeynta magaalada. Waxayna muujiyeen sida ay Maamulka  garab ugu siinayaan taabagelinta qorshaha nashqadeynta iyo Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo muhiimadiisa wuxuuna ku adkeeyay Bulshada Boosaaso in Dowladdu ka howlgashay Horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalada loona baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan, si wada jir Dowlad iyo Shacaba looga shaqeeyo in Boosaaso la gaarsiiyo meel ay istaahisho iyo in ay la mid noqoto magaalooyinka la mid ka ah ee Adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...