Guddoomiyaha BFS oo Booqday Xarunta Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Masar

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo madaxda sare ee Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Guddoomiyaha warbixin guud ka siiyay shaqada ay heeyso Safaaradda, waxaana uu tilmaamay in shaqada Safaarada ay horumarin ku sameeyeen, waxaana uu sheegay in juhdi badan lagu bixin doono sidii guul looga gaari lahaa hadafka dowladnimo ee dalkeenna.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gunnaanadka mas’uuliyiinta safaarada ku boggaadiyay doorkooda muhiimka ah ay ka qaateen u qareemida Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Masar iyo Jaamacada Carabta, isagoo ku dhiirageliyay in lasii laba jibaaro dadaalada horumarineed ee loogu adeegaayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...