Wasaaradda Deegaanka oo baaritaan ku sameyneysa fuustooyin sun looga shakiyay oo lagu arkay xeebta Cadale

Date:

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay deegaanka Cadale, kuwaas oo muddo dheer yaallay xeebta degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hamahaan ayey walaac ka muujiyeen dadka degaanka,iyagoo uga shakiyey in ay ku jiraan walxo kiimiko iyo sun ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa lagu sheegay in wasaaradda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qorshayneyso in ay koox khubaro ah u saarto arrintan, kuwaas oo baaris ku sameeyn doono hamaha looga shakisanyahy in walxo kiimiko ah ay ku jiraan,si deg deg ahna ay ku gaari doona deegaanka Cadale ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xariir la sameeysay maamulka degmada Cadale, waxaana la isla meel dhigay in si kumeel gaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka.

Shacabka degaanka ayaa  la faray in ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal...

Boliiska Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada ciidan

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee KGS oo qaabilay guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,...