Tirinta cododkii doorashadii Nigeria oo weli socota xilli ay weli codbixintu socoto

Date:

Dadka reer Nigeria ayaa isugu soo uruuraya goobaha codbixinta ee qeyba kamid ah dalka, halkaas oo cilado farsamo awadeed aanay dadku aanay ugu suuragelin inay codkooda ka dhiibtaan doorashadii Sabtidii.

Dhanka kalee waxaa soconaya tirinta cododkii la dhiibtay, iyadoo natiijooyinka ugu horreeya ee doorashada madaxtinimada ee sida wayn loogu tartamay la filayo inay soo baxaan gelinka dambe ee maanta.

Saraakiisha guddiga doorashooyinka ee gobolka Bayelsa ayaa ammaandarrida ku eedeeyay markii dib loo dhigay codbixinta degmooyinka qaar.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Nigeria, Maxamuud Yacquubu, oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Abuja ayaa sheegay in natiijada ay ku dhawaaqi doonaan ay noqon doonto mid hufan oo aanan cidna loogu eexanayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...