Tirinta cododkii doorashadii Nigeria oo weli socota xilli ay weli codbixintu socoto

Date:

Dadka reer Nigeria ayaa isugu soo uruuraya goobaha codbixinta ee qeyba kamid ah dalka, halkaas oo cilado farsamo awadeed aanay dadku aanay ugu suuragelin inay codkooda ka dhiibtaan doorashadii Sabtidii.

Dhanka kalee waxaa soconaya tirinta cododkii la dhiibtay, iyadoo natiijooyinka ugu horreeya ee doorashada madaxtinimada ee sida wayn loogu tartamay la filayo inay soo baxaan gelinka dambe ee maanta.

Saraakiisha guddiga doorashooyinka ee gobolka Bayelsa ayaa ammaandarrida ku eedeeyay markii dib loo dhigay codbixinta degmooyinka qaar.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Nigeria, Maxamuud Yacquubu, oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Abuja ayaa sheegay in natiijada ay ku dhawaaqi doonaan ay noqon doonto mid hufan oo aanan cidna loogu eexanayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...