Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo Gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq,waxaana garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...