𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼o Daah Furay 𝗕𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴ga 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗮𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗶𝗶𝘀𝗮𝗮𝗻𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗼𝘆𝘀𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱

Date:

Muqdisho 20 February 2023—-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka  Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hay’adda Istaatistikada Qaranka  oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in guul wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in maanta la helo tirakoob sax ah oo lagu jaangoyn karo miisaaniyadda qoys walba oo Soomaaliyeed.

Mudane Saalax  ayaa sheegay in warbixintani innaga dabooli doonto wax kasta oo aan uga baahannahay inaan ka ogaanno daryeelka dadkeenna, iyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah sida,waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, lahaanshaha dhulka iyo dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Qorshaynta, Maalagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa markii ugu horreysey muddo 38 sano ah soo bandhigtay warbixinta sahanka miisaaniyadda qoyska Soomaaliyeed oo ah tiro koob lagu samayeeyo haynta iyo karaanka bulshada, taasi oo wax wayn ka tari doonta in dhab loo ogaado baahiyaha dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasabada waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiradda Dowlad Gobaleedyada, Wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Hay’adaha Horumarinta iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...