Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii loo dhiirigelin lahaa ganacsatada Kalluunka

Date:

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali ayaa maanta booqday Suuqa Kawaanka ee degmada C/casiis iyo Suuqa Kawaanka ee degmada Xamar Weyne.

Wasiirka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Suuqa, isagoo warbixin ka dhageystay madaxda Iskaashatooyinka dan kulmis iyo Alla aamin.

Masuuliyiintii uu la kulmay wasiirka ayaa ka codsaday in Wasaaradda Kalluumeysiga kala shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen Suuq casri ah, goobo ay kalluunka ku keydsadaan iyo furista wadooyinka soo gala labada Suuq.

Wasiir Cali Ifiye ayaa sheegay in ka shaqeynayaan sidii loo dhiirigelin lahaa ganacsatada Kalluunka, isla markaana kor loogu qaadi lahaa xirfadahooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga ay ka go’an tahay in la kordhiyo wax soo-saarka badda, si looga faa’ideysto dhaqaalaha bulluuga ah.

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Ifiye Cali waxaa koormeerka ku wehlinaayay agaasimaha Waaxda horumarinta Kalluumeysiga mudane Xasan Faarax Xaamud iyo agaasimaha waaxda ilaalinta deegaanka badda mudane C/qaadir C/nuur Yuusuf (Bakool).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...