Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulamo iyo Shirar kala gooni gooni ah kawada Dalka Talyaaniga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waaweyn dalka Talyaaniga iyo hay’adaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa uga sheegay sida uu tariikh fog u leeyahay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaana uu u sheegay in ay u furan yihiin in ay fursado maalgashi ku sameeystaan dalka taas oo fursad dhaqaale u noqon karta bulshada Soomaaliyeed iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeya.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca uga mahadceliyey dedaalka sida ay u daneynayaan in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...