[DAAWO+SAWIRO] R𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲: 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗴𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗮𝗹𝗮 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮 𝘅𝗼𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲𝘆

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen  Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoor  oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...