Taliska Boliiska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo la sheegay in dadka Barackayaasha ah ee nool duleedka Magaalada Muqdisho ku dhacayeen Kaarar Been-abuur ah,iyaga oo dadka u sheegayay in ay yihiin Hey’adaha Ka shaqeeya Arrimaha gargaarka.
Taliska Boliiska ayaa sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka aruursanayeen dadka danyarta ah, kadibna u Qeybiyay Kaarar been ah, una sheegayay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo Raashin.