Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaliya

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa booqasho ku tagay safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu ugu tacsiyadeeyo Dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay musiibadii dhulgariirka ahayd ee ka dhacday isniintii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka iyo xubnihii Wasiiradda ee wehelinaayey ayaa u duceeyey dadkii ku dhintay dhulgariirka, isagoo saxiixay buuga tacsida ee loo furay dadkii dhintay, waxaanu tilmaamay in ay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii dhulgariirka ahayd, islamarkaana uga tacsiyadaynayaa Turkiga iyo shacabkeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...