Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Gobolka Bari

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada.

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –

Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Ka hortaga falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.

In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Maamulka

In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.

In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Puntland.

In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.

In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.

In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.

In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

Go’aankaan kasoo baxay shirka looga hadlayay Amniga Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihi la soo dhaafay xiisad ka dhalatay diiwaangelinta doorashooyinka ay ka taagneyd Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka...