Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo Argagixisada Al-shabaab ka saaray degaanka Doonyaale ee Gobolka Mudug.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab dagaal kaga saaray  degaanka Doonyaale oo u dhexeeya Magaalooyinka Baacadweyn iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xooggaga Galmudug ay dagaalka khasaare xooggan ku gaarsiiyay khawaarijta iyaga oo ugu galay gododkii ay gabbaadka ka dhigan jireen.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa hore sidaan oo kale loogu jabiyey  dagaalo qaraar oo uga dhacay deegaano katirsan Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...