Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay xafladda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta koofur galbeed

Date:

Baydhabo(SNTV):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Dowlad-goboleedka KGS.

Mas’uuliyiin isugu jiray Odayaal dhaqameed, wasiiro, Xildhibaano iyo Bulshada rayidka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ugu mahadceliyay siduu u maareeyay islamarkaana ku soo dhammeeyeen isfahan iyo wadajir si loo gaaro Koonfur Galbeed oo mid ah, madaxda dhammaantood ayaa waxay tilmaameen inta uu socday Shirka labada dhinacba ay muujiyeen xasilooni iyo degannaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Hormuud u ahaa gogoshii ka fidsaneyd Baydhabo oo uu caawa si rasmi ah u soo xiray ayuu uga mahadceliyay qofkastoo ka shaqeeyay una dulqaatay inuu si nabad iyo xasilooni leh uu ku soo dhammaado Shirka dib u heshiisiinta KGS, isagoo xusay inta uu Shirka socday lala kulmay caqabado kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in dhammaan culeyskaasi la xaliyay laguna soo gabagabeeyay jawi wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...