Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Date:

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa sababay dhimashada in ku dhow lix boqol oo ruux oo ku kala sugnaa koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

ilaa 284 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga, waxaana dhaawac uu ka soo garay in ka badan 2323 qof, halka sidoo kale 237 qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,dhaawacana uu gaarayo 639

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...