[DAAWO] Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedyada Nabad sugidda iyo korontada dalka

Date:

Muqdisho,04,02,2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;

1)Dhaarin Xildhibaan (Ilyaas Sheekh Axmed)

2)Dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.3)Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Korantada.4)Qeybinta Warbixinta Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Xildhabaan Ilyaas Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa siiwaday dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga Ayaa umahadceliyay xildhibaanada aygoona ku Amaanay xildhibaanada dooda adag ee ka yeesheen sharcigaan, soo jeedintooda iyo turxaan bixintooda ku aadan sharcigaan.Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka ayaa guddiga faray in ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ayagoona ka duulaya talooyinka iyo qodabada ay dul istaageen xildhibaanada muddo labo maalin Ahna ay ku keenaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad)Ayaa xildhibaanada ka hor Aqriyay hindise sharciyeedka korantada oo uu guddigu soo diyaariyay Asigoona sheegay in sharcigaan uu yahay sharci Arimo bulsho muuhiimna uu uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay Ansixiyaan si sharcigaan uu udhaqangalo.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan

xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona sheegay in Guddiga ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad Hindise sharciyeedka Korantada Ayna ku soo daraan soo jeedinta xildhibaanada maalinta isniintana ay keenaan sharcigaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...