Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS, waxaana uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.