Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Date:

Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Labadaan wiil oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar ayaa ciidanka ay isku soo dhiibeen u sheegay inay Khawaarijta uga biireen gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dhallinyaradaan ka soo hartay Khawaarijta waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee lagu baacsanayo argagixisada, iyagoo iska soo dhiibay aagga deegaanka Caad ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen ciidanka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....