Wasiirka warfaafinta oo faahfaahin ka bixiyay shirka taliyeyaasha iyo wasiirrada waddamada safka hore ee lagu qabtay Muqdisho.

Date:

Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir gogol xaar u ah shirka madaxda dalalka safka hore ee ay berri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kulankaas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Shirka Wasiirradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka deriska ee loo yaqaan waddamada safka hore.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Shirkan lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii laysaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankani uu sahlayo ciribtirka Khawaarijta.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Waddamada safka hore ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka Millateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Dowladdu ay cudur daar ka bixineyso saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo saamayn ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shirka waddamada safka hore ee ay Soomaliya horkacayso kana mid yihiin dalalka Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya ayaa lagu wadaa in lagu mideeyo Istiraatiijiyadda lagu wajahayo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...