Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya

Date:

Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan ciribtirka Khawaarijta.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu  uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...