Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Wasiiro katirsan Maamul Goboleedka Jubbland.
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiinta ka socdo dowlada Qatar ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashuruuca gargaar raashin ah lugu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys guud ahaan dalka gudahiisa oo ay Dowlada Qatar maalgelisay.