Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo booqday Saafaradda Soomaaliya ee Masar.

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo booqday Saafaradda Soomaaliya ee Masar.
(Qahira, Masar – Janaayo 26, 2023) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wefdi uu hoggaaminaayey oo Booqasho rasmi ah ku joogay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa booqday Saafaradda Dowladda Soomaaliya ee Masar, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar.
Wasiirka ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda, waxaana la siiyey warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeyso safaarada iyo howlaha ay u heyso Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan Dalka Masar.
Wasiir Jaamac Xasan Khaliif ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar…”Waxaan u Mahadceliyaa safiirka soomaliya ujooga Dalka Masar, Danjire Ilyas Cumar iyo howlwadeenada Safaarada oo aad noogu soo dhaweeyey intii aan ku gudo jirnay hawlihii aan utagnay Magaalada Qaahira, sidoo kale kaalin weyn ayuuna ka qaatay Safriirka hishiishka is afgradka ee aan wada saxiixanay Masar iyo Soomaaliya”..ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Ugu danbeyn Booqashada Wasiirka ku tagay Saafaradda Soomaaliya ee Masar waxaa ku wehliyey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliyaha Wasaaradda Mudane Sakariye Ismaaciil

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...