Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda.

Date:

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo shalay si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa dhanka kale ka hadlay muhimadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran, iyadoo lagu hagayo hal ku dhigga ah โ€œSoomali heshiis ah, dunidana heshiis la ahโ€ si gaar ahna wasaaraddu masโ€™uul uga tahay qeybta Soomaaliya dunida heshiis la ah.

โ€œ Muddada kooban ee dhan shanta bilood oo aan xafiiska joogo, haddii aan u dib milicsanno siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, dhadhaqaaqayaga iyo dadaallada aynu sameynay wax weyn ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ka qabsoomay.โ€

Wasiir Haruuse ayaa xusay in tallabo wanaagsan loo qaaday marka ay timaaddo iskaashiga iyo wada shaqeynta Soomaaliya kala dhaxeysa wadammada caalamka iyo kuwa gobolkaba ee xariirku uu kala dhaxeeyo, ururada aan wada shaqeynta la leenahay iyo dhammaan heyโ€™adaha caalamiga, iyadoo loo marayo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan isqaadasho, is ixtiraam iyo iskaashi, taas oo sahashay in siyaasad ahaan ay isku furmaan Soomaaliya iyo Caalamka, dalalka dariska ah, kuwa Qaaradda Afrika oo dhan iyo dhammaan urur goboleedyada ay Soomaaliya qeybta ka tahay

โ€œAad bay u horumarsan tahay, wax weyn ayaana runtii iska bedalay siyaasadda arrimaha dibadda, horay ayaana u sii soconeynaaโ€ ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...