Ciidamada Israaโ€™iil oo dilay afar Falastiin ah oo ay ku jirto haweeneey daโ€™ ah.

Date:

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan afar Falastiini ah, tiro kalena way dhaawaceen,kadib matkii weerar hubeysan ay ku qaadeen magaalada Jenin, oo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.

saraakiisha Falastiiniyiinta,dad goobjoogayaal ah iyo dhakhaatiirta caafimaad,ayaa sheegay in haweeney daโ€™ ah ay ku jirto dadka dhintay.

Wasiirka caafimaadka ee Falastiin, Mai al-Kaila, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen isbitaal ay ku jireen carruur, taasoo keentay in caruur badan ay ku neefqabatoomaan.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in howlgal ay ka sameeyeen Jenin maanta oo Khamiista ah, balse ma aysan bixin faah faahin dheeri ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Jeeniin.

Magaalada Jenin waxa ay ka mid tahay aagagga woqooyiga Daanta Galbeed ee ay ka dagaalamaan Kooxaha hubeysan ee Xamaas iyo Islamic Jihad ,waxayna Israaโ€™ii; dooneysaa in ay ka hortagto wax iska caabinta Falastiinย  ee sii kordhaya.

Tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidamada Israel intii lagu guda jiray duulaanka ay ku qaadeen Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus bishaan ayaa hadda ah 24 dhimasho ah oo ay ku jiraan shan caruur ah,iyadoo sanadkii tagay ย ciidamada Israaโ€™iil ay dileen 170 falastiiniyiin ah oo u badan rayid.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...