Ciidamada Israa’iil oo dilay afar Falastiin ah oo ay ku jirto haweeneey da’ ah.

Date:

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan afar Falastiini ah, tiro kalena way dhaawaceen,kadib matkii weerar hubeysan ay ku qaadeen magaalada Jenin, oo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.

saraakiisha Falastiiniyiinta,dad goobjoogayaal ah iyo dhakhaatiirta caafimaad,ayaa sheegay in haweeney da’ ah ay ku jirto dadka dhintay.

Wasiirka caafimaadka ee Falastiin, Mai al-Kaila, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen isbitaal ay ku jireen carruur, taasoo keentay in caruur badan ay ku neefqabatoomaan.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in howlgal ay ka sameeyeen Jenin maanta oo Khamiista ah, balse ma aysan bixin faah faahin dheeri ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Jeeniin.

Magaalada Jenin waxa ay ka mid tahay aagagga woqooyiga Daanta Galbeed ee ay ka dagaalamaan Kooxaha hubeysan ee Xamaas iyo Islamic Jihad ,waxayna Israa’ii; dooneysaa in ay ka hortagto wax iska caabinta Falastiin  ee sii kordhaya.

Tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidamada Israel intii lagu guda jiray duulaanka ay ku qaadeen Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus bishaan ayaa hadda ah 24 dhimasho ah oo ay ku jiraan shan caruur ah,iyadoo sanadkii tagay  ciidamada Israa’iil ay dileen 170 falastiiniyiin ah oo u badan rayid.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...