Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda.

Date:

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo shalay si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa dhanka kale ka hadlay muhimadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran, iyadoo lagu hagayo hal ku dhigga ah “Soomali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” si gaar ahna wasaaraddu mas’uul uga tahay qeybta Soomaaliya dunida heshiis la ah.

“ Muddada kooban ee dhan shanta bilood oo aan xafiiska joogo, haddii aan u dib milicsanno siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, dhadhaqaaqayaga iyo dadaallada aynu sameynay wax weyn ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ka qabsoomay.”

Wasiir Haruuse ayaa xusay in tallabo wanaagsan loo qaaday marka ay timaaddo iskaashiga iyo wada shaqeynta Soomaaliya kala dhaxeysa wadammada caalamka iyo kuwa gobolkaba ee xariirku uu kala dhaxeeyo, ururada aan wada shaqeynta la leenahay iyo dhammaan hey’adaha caalamiga, iyadoo loo marayo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan isqaadasho, is ixtiraam iyo iskaashi, taas oo sahashay in siyaasad ahaan ay isku furmaan Soomaaliya iyo Caalamka, dalalka dariska ah, kuwa Qaaradda Afrika oo dhan iyo dhammaan urur goboleedyada ay Soomaaliya qeybta ka tahay

“Aad bay u horumarsan tahay, wax weyn ayaana runtii iska bedalay siyaasadda arrimaha dibadda, horay ayaana u sii soconeynaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...